Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cidamada Itoobiya oo La Geeyey Kismaayo


Ciidamo gaaraya ilaa 250 askari oo hordhac ah oo ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa soo gaadhay magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiyaanka ee la geeyey magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah ku dhowaad kun askari oo baddali doona ciidamadii Siralyoon ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM eek a baxay Soomaaliya sida ay ilo xogogaal ah u sheegeen idaacadda VOA.

Ciidamadii Siralyoon ayaa Soomaaliya isaga baxay bishii Janaayo ee sanadkii 2015 sababo la xidhiidhay xaalad dhanka caafimaadka ah oo xiligaasi ka jirtay dalkaasi oo ka mid ahaa waddamada Galbeedka Afrika ee uu ka jiray cudurka Ebola oo suurtogelin waayey in la beddelo ciidanka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa VOA u xaqiijiyay in 250 askari ee yimid ay ku jiraan saraakiisha hogaamin doonta Ciidamada Itoobiyaanka ee AMISOM ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale masuulyiinta ayaa intaasi ku daray in ciidamada Itoobiyaanka, kuwa Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay dhowaan qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee maamusha, degmooyinka, Jilib, Jamaame, Xagar, Bu'aale iyo deegaano kale sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa fariisimo ka samaystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, dekadda iyo waqooyiga magaalada halkaasoo markii hore saldhigyo ciidan ku lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Wadanka Siralyoon.

Sidoo kale dekadda magaalada Kismaayo waxaa ku soo xirtay markab sida gaadiid iyo hub ay lee yihiin Ciidamada Itoobiya ee gaaray magaalada Kismaayo.

Dalka Soomaaliya waxaa jooga ciidamo AMISOM ah oo ka kala socda waddamada Yuganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee xilkiisu ka dhammaaday Nick Kay ayaa VOA u sheegay in dabayaaqada sannadkan dib u eegis lagu samayn doono hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu ku baaqayaa in si weyn diradda loo saaro dhammaystirka dhismaha ciidan Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG