Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan Oo Difaacay Tallaabadii Turkiga


Madaxweynaha Turkiga ayaa diyaaraddii uu dalkiisa kasoo riday Russia ku macneeyey mid lagu difaacayey ammaanka Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacada sheegay in dalkiisa uu difaacayey un ammaankiisa markii diyaarad dagaal oo Turkish ah ay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushka uu leeyahay, islamarkaana uusan dooneyn in arrintu kasii dhex xumaato Turkiga iyo Ruushka.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Istanbul, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in diyaaradda ay ku dhacday gudaha dalka Syria, hase yeehsee ay ku jirtay hawada Turkiga, markii gantaalka uu ku dhacay talaadadii.

Saraakiil kale oo Turkish ah, ayaa sheegay in diyaaradda illaa laba KM ku jirtay xuduudda Turkiga muddo 17 ilbiriqsi ah, islamarkaana la siiyey 10 digniin, markii ay iska indho-tirtayna lasoo riday.

Ruushka waxa uu ku adkeysatay in diyaaradda aysan marnaba ka bixin xuduudda Syria.

Sarkaal Mareykan ah oo magaciisa qariyey ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Mareykanka uu rumeysan yahay in diyaaradda ay kusoo laabatay hawada Turkiga, ka hor inta aan gantaalka lagu dhufan, halka diblomaasiyiin la hadlay wargeyska New York Times ay sheegeen inay hawada Syria kusoo laabatay markii gantaalka lagu dhuftay.

XS
SM
MD
LG