Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadweynaha Masar oo Codbixin u Dareeray


.
.
Dadka reer Masar ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorasho socon doonta Isniinta iyo Talaadada.

Taliyihii hore ee ciidamada Jeneral Cabdilfataax al-Siisi oo talada ka tuuray hoggaamiyihii hore Maxamed Mursi ayaa si weyn loo filaya ainuu ku guulaysto.

Doorashadan labada maalmood soconaysaa waxay ka dambaysay in ka badan saddex sano oo ay talada waddankaasi iska beddeleen laba madaxweyne oo talada laga tuuray kadib cabashooyin, kumannaan kun oo qof oo ku dhintay dibedbaxyada iyo dhaqaalaha waddanka oo hoos u dhacay.

al-Siisi waxa uu sheegay in haddii uu guulaysto in ururka Akhwaanul Muslimiinka ee Maxamed Mursi uusan mustaqbal ku yeelan doonin Masar. Ururka Akhwaanka ahaa xisbiga ugu awoodda badan dalkaasi ka hor intii al-Siisi uusan tallada ka tuurin sannadkii hore.
Al-Siisi ayaa ka fadhiistay shaqadii milatariga bishii Maarso si uu iskugu diyaariyo in la doorto.

Al-Siisi waxaa jagada kula tartamaya musharrax keliya oo ah Xamdiin Sabaaxi oo ah musharrax dhinaca bidixda u janjeedha oo kaalinta saddexaadna ka galay doorashadii dhacday sannadkii 2012-ka.

400 kun oo ciidamo booliis ah iyo milatariga ayaa la dhigay goobaha codbixinta. In ka badan 14 kun oo garsoorayaal ah ayaa dusha kala socda, waxaa kale oo doorashada goobjoog ka ah dhowr boqol oo ah khubaro ka socota Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.
XS
SM
MD
LG