Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan Ku Dhufatay Xeebaha Puntland


Deegaannada ay duufanta ku dhufatay, ayaa badda waxa ay soo dhaqaaqday illaa 400 oo mitir waxayna burburisay guryo badan.

Wasaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegtay in duufaanta Chapala ay ku dhufatay qaybo ka mid ah xeebaha Puntland, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ayna gaysatay burbur hantiyeed.

Deegaanka Bareda iyo Tooxin ee bariga Puntland ayaa la sheegay in burbur uu soo gaaray guryihii xeebta saarnaa oo ay biyaha soo galeen maalintii shalay ilaa xalay.

Cabdullaahi Xaashi ayaa ku warramay in dabeylaha ay kiciyeen badda, taasi oo keentay in biyaha ay ku soo rogmadaan deegaanno dhowr ah, halkaasi oo ay guryo badan ay ku burburiyeen.

Puntland waxa ay sheegtay inay digniinno ku saabsan duufaanta Chapala ay horey u gaarsiiyeen deegaannada ay ku dhufatay, balse aysan ku xisaabtamin in badda ay soo kaceyso.

Hadaba si aan faahfaahinta khasaaraha ka dhashay wax uga ogaanno ayaa Xuseen Barre waxa uu khadka tilifoonka kula xidhiidhay Guddoomiyaha degmada Bareeda Siciid Yuusuf Diiriye

Duufaanta Chapala
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:07 0:00

XS
SM
MD
LG