Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Israel oo Duqeeyey Syria


Taangi ay lee yihiin ciidamada Israel oo jooga buuraha Golan Heights.
Taangi ay lee yihiin ciidamada Israel oo jooga buuraha Golan Heights.

Dayaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Israel, ayaa weeraro ay ku dhinteen illaa iyo shan ruux oo rayid ah ka geystay qeybta ay Syria ka maamusho buuraha Golan Heights.

Dayaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Israel, ayaa weeraro ay ku dhinteen illaa iyo shan ruux oo rayid ah ka geystay qeybta ay Syria ka maamusho buuraha Golan Heights, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee Syria.

Israel, ayaa sheegtay inay taasi uga gol laheyd waxa ay ugu yeertay aargoosashada weerar gantaallo oo lagu soo qaadey dhankooda, waxayna sidoo kale tilmaamtay in dadka ay dileen ahaayeen kuwa ka tirsan kooxda dhaqdhaqaaqa Islamic Jihaad ee Falastiin.

Dayaaradahaasi, ayaa bartimaameedsaday Jimcihii gaari u dhawaa suuq ku yaalla tuulada al-Koom ee gobolkaa Quneitra.

Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in ay u jawaabi doonaan cid kaste oo isku dayda inay iyaga wax yeeleyso.

XS
SM
MD
LG