Monday, May 20, 2013 Wakhtiga Geeska Afrika 05:06

War

Dhul-Gariir ku Dhuftay Indonesia

Qiyaasta qoraalka - +
VOA Somali

Dhul-gariir cabirkiisu yahay 8.6 ayaa ku dhuftay dhul-xeebeedka waqooyi-galbeed ee dalka Indonesia.

Dhul-gariirkan ayaa kor u qaaday  feejignaanta  Tsunami  ee  goblka ku  yaala  badda Indian Ocean.

Dhul-gariirkaasi ayaa ku dhuftay meel 430km koonfur galbeed ka jirta  Banda Ache oo ah caasimada gobolka Ache.

Dhulgariirka maanta ka dhacay Indonesia ayaa qiyaastii ahaa mid la mid ah kii dhacay sannadkii 2004-tii, waxaana la sheegay in uu ruxay daaro, isagoo saameeyay ilaa Singapore, Thailand iyo dalka India.

Madaxweynaha  dalka  Indonesia Sisilo Bambang Yudhonyo ayaa  sheegay in xaalada uu abuuuray dhulgariirka ee Ache ay haatan tahay mid gacanta lagu hayo aysanna jirin cabsi laga qabo Tsunami.

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax khasaaro ah oo uu geeystay dhul-gariirka, yadoo dadkii ku jiray daaraha ay u soo yaaceen waddooyinka iyaga oo argagaxsan.

Madashan waa la xiray
faallooyinka
     
Qeybtan faallo kuma jirto. Adigu bilow inaad faallo halkan ku qortid