Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqtar uu Adeer u Ahaa Madaxweyne Xasan Sh. oo La Dilay


Dilka waxa uu ka dhacay Muqdisho
Dilka waxa uu ka dhacay Muqdisho

Laba qof ayaa saaka lagu dilay xaafadda madiina ee magaaladda Muqdisho iyadoo dilkan ay gaysteen rag hubaysan oo gaari watay.

Labada nin ee la dilay ayaa lagu furay rasaas xilli ay ku jireen gaari ay wateen sida Wasaaradda Amniga ee dowladda Soomaaliya ay sheegtay.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ah Dr Liibaan Cismaan Cilmi Cadaawe oo uu adeer u yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Cabdiqaadir Maxamud Yabarow oo ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya sida aan kasoo xiganay sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda cadaaladda.

Dr. Liibaan ayaa horay uga howlgali jiray cisbitaal ay lee yihiin Imaaraadka Carabta oo ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya .

Dr. Liibaan waxaa dhalay Cismaan Cilmi Cadaawe, oo ku hooyo ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo isna ku geeriyooday magaalada Nairobi bishii August ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG