Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo Dilay 8 Qof oo ka Dhacay Bakool


Dagaalka Bakool
Dagaalka Bakool

Dagaalka oo socday muddo saddex saac ah, ayaa waxaa ku geeriyooday 8 qof oo dhinacyadii dagaalamayey ah.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa ka dhacay tuulada Kulan Jareer oo u dhaxeysa degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka oo socday muddo saddex saac ah, ayaa waxaa ku geeriyooday 8 qof oo dhinacyadii dagaalamayey ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab ay si kooban u qabsaday tuulada, balse markii dambe waxaa ka saaray ciidamada dowladda oo dib ula wareegay gacan ku haynta Kulan Jareer.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku sugnaayeen gobolka.

Weriyaha VOA-da Muqtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixin kasoo diray.

Warbixinta Dagaalka Bakool
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:00 0:00

XS
SM
MD
LG