Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bakool: Dagaal Dhimasho Dhaliyey


Baabuur dagaal (File Photo)
Baabuur dagaal (File Photo)

Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in degaalka oo ay qaadeen ciidanka Dowlada ay ku dileen tobaneeyo ka tirsan maleeshiyada Al Shabab.

Faah-faahin ayaa kasoo baxday qasaaraha ka dhashay dagaal shalay ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Ceelbaar oo u dhaxeeya degmooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Bakool Cabdinur Maxamed Xasan oo u warramay VOA ayaa sheegay in degaalka oo ay qaadeen ciidanka Dowlada ay ku dileen tobaneeyo ka tirsan maleeshiyada Al Shabab.

Cabdinuur ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya dagaalka looga dilay shan askari, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashada ciidanka dowladda ay dhan tahay 10 askari..

Xaalada halka uu dagaalku ka dhacay oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada dowlada ayaa xasiloon.

Wariye Nuur Bukhaari ayaa wareystay Cabdinuur

Wareysiga Cabdinuur
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00

XS
SM
MD
LG