Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Beeleed Dib Uga Billowday Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Dagaalkan ayaa waxaa illaa iyo iminka ku geeriyooday 4 qof, waxaana ku dhaawacmay 16 qof oo kale oo u badan maleeshiyo.

Dagaal beeleed ayaa mar kale maanta dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saacdo un kadib markii dagaalkii shalay halkaas ka qarxay uu qaboobay.

Illaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyey in 4 qof ay ku geeriyoodeen illaaa 16 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka ka socda Beledweyne. Dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, ayaa u badan maleeshiyada labada beeleed ee dagaalka uu u dhaxeeyo.

Dagaalka ayaa sidoo kale ku baahay miyiga duleedka magaalada Beledweyne ee labada beelood ee dagaalamaya ay dagaan.

Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka ka socda magaalada Beledweyne.

Dagaal beeleedkan shalay ka qarxay Beledweyne, ayaa waxaa illaa iyo hadda ku geeiyooday 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 55 qof, oo u badan shacab.

XS
SM
MD
LG