Isku xirrada

War Deg-Deg ah

18 Qof oo TURKISH ah oo la Afduubtay


Askari Ciraaqi oo jooga banaanka garoonka ay dhisayeen dadka la afduubtay. Arbaco, Sept. 2, 2015.
Askari Ciraaqi oo jooga banaanka garoonka ay dhisayeen dadka la afduubtay. Arbaco, Sept. 2, 2015.

Kooxda afduubka geysatay ayaa shaqaalaha qafaashay qiyaastii saddexii aroornimo, markii ay soo jibiyeen albaabka gurigooda, ayna hubka ka dhigeen rag ilaalo ahaa.

Dabley xiran dharka Milatariga, ayaa 18 qof oo shaqaale Turkish ahaa maanta oo arbaco ah ka afduubtay caasimadda dalka Ciraq ee Baghdad.

Shaqaalahaas ayaa waxa ay u shaqeynayeen shirkad dhinaca dhismaha ka shaqeysa oo lagu magacaabo Nurol Insaat, oo garoon kubadda cagta ah ka dhiseysa degmada shiicada ay ku badan yihiin ee Habibya ee waqooyiga bari ee Baghdad.

Kooxda afduubka geysatay ayaa shaqaalaha qafaashay qiyaastii saddexii aroornimo, markii ay soo jibiyeen albaabka gurigooda, ayna hubka ka dhigeen rag ilaalo ahaa.

Weli ma jiraan wax warar ah oo ku saabsan aqoonsiga kooxda afduubka geysatay iyo sababta.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Numan Kurtulmus, ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta Turkiga ay arrinta xiriir kala sameynayaan kuwa Ciraq.

Sanaddii tagtay, Kooxda Daacish ayaa qabsatay 49 qof oo Turkish ahaa, kuwaas oo ka shaqeynayey qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Mosul, balse waxay sii daayaan saddex bilood kadib.

XS
SM
MD
LG