Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbitaalka Banaadir Oo Dawo La'aani Ka Jirto


Dawo la'aanta ka sokow in, shaqaalaha isbitaalka Banaadir jooga ayaan wax mushaar ah qaadan, waxayna ku shqeeyaan si bilaash ah.

Maamulka Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa u sheegay VOA in aysan xilligan haysan wax taageera ah isbitaalkana uu yahay daawa la'aan.

Drs. Luul Maxamed Maxamuud oo ah Maamule ku xigeenka Isbitaalka ayaa u sheegtay VOA in daawada ay ahdda bannaanka ka soo gataan iyaga oo ka bixiya jeebkooda.

Waxa ay intaasi ku dartay in isbitaalka shaqaalaha jooga aysan wax mushaar ah qaadan kuna shqeeyaan si bilaash ah.

Drs. Luul Maxamed Maxamuud ayaa sheegtay in ay ha'addii tagaeeraysay isbitaalka ay baxday 2013-kii, wixii markaas ka dambeeyana isbitaalka u ahaa mid xaaladdiisu liidato.

Waxay ay ku warrantay in qaybta haweenka ee isbitaalka taageero kaga helaan hay'ad lagu magacaabo Swiss Kalmo UNFPA.

Drs. Luul Maxamed Maxamuud ayaa u warrantay weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdulqaadi Maxamed Cabdulle.

Dawo La'aan ka jirta Isbitaalka Banaadir
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00

XS
SM
MD
LG