Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Syria ku Gowracday Mas'uul Sare


Khaalid Al-Ascad waxa uu ahaa 82 jir
Khaalid Al-Ascad waxa uu ahaa 82 jir

Uurka Daacish ee dalka Siiriya ayaa shalay magaaalada qadiimiga ah ee Tadmur ku dilay mid ka mid ah mas’uuliyiinta ka shaqeyn jiray xarumaha taariikhiga ah ee magaaladaasi.

Uurka Daacish ee dalka Siiriya ayaa shalay magaaalada qadiimiga ah ee Tadmur ku dilay mid ka mid ah mas’uuliyiinta ka shaqeyn jiray xarumaha taariikhiga ah ee magaaladaasi.

Ururka Daacish ayaa qoorta ka gooyey Khaalid Al-Ascad oo 82 jir ahaa kaasoo muddo ka badan 50 sano ah la soo shaqeeyey hay’adda UNESCO qeybteeda goobaha taariikhiga ah ee magaalada Tadmur oo ay ku yaallaa goobo taariikhi ah oo jira 2,000 kun oo sano.

Hay’ad u doodda xuquuqul isnaanka oo fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in Khalid Al-Ascad lagu dilay fagaare dadka la isku keenay oo ku yaalla magaalada Tamdur.

Ururka Daacish ayaa gacan ku haynta magaalada Tadmur la wareegay bishii May ee sanadkan taasoo abuurtay walaac badan oo laga qabo in ururkaasi uu burburiyo dhammaan goobaha taariikhiga ee ku yaalla magaaladaasi Tadmur maadaama uu ururka Daacish horay u soo burburiyey goobo badan oo taariikhi ahaa oo uu yaalla dalka Siiriya.

XS
SM
MD
LG