Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/weli: Al-Shabab Xoog ayaa lagu Saaray


C/weli: Al-Shabab Xoog ayaa lagu Saaray
C/weli: Al-Shabab Xoog ayaa lagu Saaray

R/W C/weli Max'ed Cali ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan baryo uga bixin Muqdisho, C/weli wuxuu kaloo ka hadlay abaaraha ka jira Somalia

Raisal-wasaaraha DKMG, Dr. C/weli Max'ed Cali ayaa VOA siiyay wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo tan iyo markii Al-shabaab ay ka baxday Muqdisho.

Raisal-wasaare C/weli wuxu sheegay in Al-shabaab aysan baryo uga bixin magaalada Muqdisho balse ciidamada DKMG ay awood militariga Muqdisho uga saareen. C/weli wuxuu dhinaca kale sheegay in DKMG ay diyaar u tahay nabad soona dhaweynaso cid-kasta, gaar ahaan dhalinyarada kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in dowladdu ay cafis u fidisay. C/weli wuxuu dhalinyaradan ku tilmaamay "Soomaali la khalday" wuxuuse sheegay haddii ay hubka dhigaan in dowladdu ay dhaqancelin iyo shaqo abuuris u samaynayso.

Mar uu ka hadlayay abaaraha Somalia, C/weli Max'ed Cali wuxuu sheegay in baaxadda abaaruhu ay kabadan yihiin kaalmada la helayo isagoo xusay in howlaha gar-gaarku ay si fiican ku socdaan oo Soomaaliya-na loo soo gurmaday, wuxuuse hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso in mucaawinooyinku gaadhaan dadkii loogu talagalay.

Raisal-wasaare C/weli, wuxuu sidoo kale wareysigan ku sheegay in xukuumaddiisu ay diyaarisay qorshe lagu xasillinayo Muqdisho, iyadoo xukuumaddu samaysay ciidan gaar ah oo la dagaallama burcad iyo qof kasta oo xasilloonni darro ka abuuraya magaalada.

Wareysiga oo dhameysitiran qeybtan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG