Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo British ah oo La Geynayo Somalia


Qorshahan waxaa ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron.
Qorshahan waxaa ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron.

Cameron ayaa sheegay in ciidamada British-ka ee tagaya Soomaaliya ay gacan ka geysan doonaan sidii looga adkaan lahaa kooxda ku xiran Al-Qacida ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraaha Britain David Cameron, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo British ah la geynayo Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, si ay caawimaad u siiyaan howl-gallada nabad ilaalineed ee halkaas ka socda.

Cameron ayaa sheegay in ciidamada British-ka ee tagaya Soomaaliya ay gacan ka geysan doonaan sidii looga adkaan lahaa kooxda ku xiran Al-Qacida ee Al-Shabaab.

Ciidamada British-ka ee tagaya Soomaaliya iyo Sudan ayuu Mr. Camerom tiradooda ku sheegay 370 askari, waxaana uu intaas ku daray in faah-faahinta la xiriirta qorshahan uu kusoo bandhigi doono kullanka guud ee QM ee maanta oo isniin ah.

“Waxan u maleeneynaa in Britain ay kaalin gaar ah ku leedahay tababaarka, farsamo iyo khibrad siinta, sidaa darteed waxaan dooneynaa inaan sare u qaadno waxa aan sameeneyno” ayuu yiri Cameron, oo intaas ku daray “Waxa ka dhacaya Somalia, haddii ay wax wanaagsan kasoo baxaan, waxa ay u wanaagsan tahay Britain. Waxay la macno tahay argagaxisanimada oo yaraata, muhaajriinta oo yaraada, iyo burcad badeednimada oo yaraata”.

Ciidamada British-ka ayaan ku lug yeelan doonin wax howl-gallo dagaal ah, waxaana howshooda ugu weyn ay noqon doontaa inay kaalmo ka kooban farsamo, caafimaad iyo injineernimo siiyaan howl-gallada nabad ilaalinta Soomaaliya iyo Suudaanta Kionfureed.

XS
SM
MD
LG