Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Hadafka Russia ee Syria ma Ahan ISIS


Wasiirka Gaashaandhigga Britian, waxa uu sheegay in subax kasta ay taxliiliyaan halka weerarada Ruushka ay ku socdaan, islamarkaana badankood aysan ahayn kuwa ka dhan ah Daacish.

Wasiirka gaashaandhigga Britain, ayaa sheegay in kaliya shan boqolkiiba duqeynta diyaardaaha dagaalka Ruushka ee dalka Syria ay bartilmaameedsadeen kooxda Daacish, ayada oo howlgalka Moscow ee dalkaas uu afar maalmood jirsaday.

Wareysi uu siiyey wargeyska The Sun, ayaa Michael Fallon waxa uu ku sheegay in inta badan weerarada diyaaradaha dagaalka Ruushka ay bartilmaameed ka dhiganayaan kooxaha kale ee mucaaradka ee dalkaas, oo ay ku jirto kooxda reer galbeedku ay taageeraan ee ciidamada xoreynta Syria.

Fallon, waxa uu intaas ku daray in weerarada Ruushaka ay sidoo kale dileen dad badan oo rayid ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Britian, waxa uu sheegay in subax kasta ay taxliiliyaan halka weerarada Ruushka ay ku socdaan, islamarkaana badankood aysan ahayn kuwa ka dhan ah Daacish.

Fallon, waxa kale oo carabka ku dhaftay inay hayaan caddeymo muujinaya in rasaas aan loo meel dayin lagu tuurayo meelo ay dadka shacabka ah ku badan yihiin, dad bandanna halkaas lagu dilay.

Toddobaadkan horraantiisa, ayaa Russia waxa ay beenisay eedeymo noocan oo kale ah oo Mareykanka kaga yimid, ayada oo ku adkeysatay in hadafka koowaad ee weeraradeeda uu yahay ururka Daacish.

XS
SM
MD
LG