Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biyo La'aan Darran Oo Ka Jirta Gaarisa


Qaar ka mid ah dadweynaha Gaarisa oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in cabsida ugu weyn ay haysa ay tahay in caruurtooda ay harraad u geeriyoodaan.

Ismaamulka Gaarisa ee Woqooyi Bari Kenya ayaa waxa ka jira biyo la’aan aad u darran oo keentay in dadku ay iminka ka cabsi qabaan in harraad loo geeriyoodo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in arrintani ay soo xusuusinayso xilliyadii ay dhaanka u doonan jireen meelo fog fog.

Waxaa magaalada lagu arkayaa rag iyo haween badan oo caagag ku raran, kuwaasi oo biyo u raadsanaya meel aad uga fog.

Qaar ka mid ah dadweynaha Gaarisa oo la hadlay weriyaha VOA Maxamed Faarax Shire ayaa sheegay in cabsida ugu weyn ay haysa ay tahay caruurtooda oo ay ka baqayaan inay harraad u geeriyoodaan.

Biyo la’aantan ayaa jirta in ka badan labaatan maalmood oo xiriir ah.

Dhinaca kale, maamulka ayaa sheegay inay dadaal adag ugu jiraan sidii ay dhibaatadaas u xallin lahaayeen, iyaga oo deegaano dhowr ah ku guuleystay inay biyo galiyaan.

Wariyaha VOA-da Maxamed Faarax Shire ayaa warbixinta Gaarisa inooga soo diray.

Dhageyso: Biyo la'aan ka jirta Gaarisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00

XS
SM
MD
LG