Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beelo Heshiis ku Gaaray Mandheera


Mandera, Kenya
Mandera, Kenya

Heshiiska ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay isugu yimaadeen waxgarad, odayaal dhaqameed iyo ganacsato labada dhinac ka kala socday, oo saddex maalmood loo fadhiyey Mandheera.

Beelo labada dhinac ka dega xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay inay maanta gaadheen heashiis nabadeed oo ay kusoo af-jarayaan colaad ku salaysnayd aano qabaa’il oo ay dad badan ku dhinteen.

Heshiiska ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay isugu yimaadeen waxgarad, odayaal dhaqameed iyo ganacsato labada dhinac ka kala socday, oo saddex maalmood loo fadhiyey Mandheera.

16 qof oo ay dhinacyadu isaga dileen dagaal aargoosi ah oo saddex dhinac ay tahay, 13 kalena ay dhinac tahay ayaa wakhtigan xal loo helay in meel laysla dhigo bixinta magtooda, iyadoo dib loogu ballamay in la soo caddeeyo 10 qof oo kale oo wali aanan la cadeynin dhimashadooda

Nabadoon Daahir Aadan Yusuf oo ka yimid dhinaca Baladxaawo, kana mid ahaa cuqaashii dhaqan ee shirka ka qeyb qaatey ayaa VOA u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay una boggaadinayo heshiiska la gaaray.

Si la mid ah waxaa iyaguna soo dhoweeyey heshiiskan oo qeybtiisa koobaad laysla gartey in nabadeyn iyo mag-bixin lagu dabaalo, Nabadoon Maxamed Khaliif oo ka mid ahaa waxgaradkii kaga yimid dhinaca magaalada Nairobi daminta colaadan, kana soo jeeda deegaanka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

Warbixin ay ka diyaarisay Sahra Cabdi Axmed hoos ka dhageyso

Heshiiska Mandheera
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG