Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakac Ka Billowday Magaalada Gaalkacyo


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Dadka barakacaya ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan isku dhac mar kale dhex mara ciidamada GALMUDUG iyo Puntland.

Walaac dhanka ammaanka ah ayaa ka jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo iminka dad badan ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda.

Shalay illaa xalay, ayaa waxaa la arkayay boqolaal dad ah oo u badan haween iyo carruur oo lagu daabulayo baabuur, iyaga oo kusii jeeda tuulooyinka magaalada ka baxsan.

Dadka barakacaya ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan isku dhac mar kale dhex mara ciidamada GALMUDUG iyo Puntland oo magaalada ku dagaalamay Axaddii.

Inkasta oo odayaal labada dhinac kale ah ay shalay heshiis ku gaareen magaalada, ayaa haddana Xaliima Cali Diiriye iyo Axmed Cabdi Casiis oo ka mid ah dadka barakacay oo VOA-da la hadlay, waxa ay sheegeen in weli ay qabaan cabsi ku saabsan in mar kale dagaalka uu dib u billowdo.

Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa iminka ka jira xasilooni aan cago badan ku taagneyn, islamarkaana qodobadii ay odayaasha ku heshiiyeen shalay ayaan weli si buuxda u wada dhaqan-gelin.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo kasoo diray weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.

Gaalkacyo oo laga barakacayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00

XS
SM
MD
LG