Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarkii Saldhigga AMISOM oo Lasoo Af-Jaray


Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey hawlgalkii mintidiinta ururka al-Shabab looga sifaynayey saldhigga Xalane ee ciidamada AMISOM oo ay shalay weerar kusoo qaadeen.

Af-hayeenka ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xaamud ayaa VOA u sheegay in saddexdii ugu dambaysya maleeshiyada ururka al-Shabab saaka la dilay, waxana uu sheegay in mintidiinta soo weerar saldhigga ay ahaayeen siddeed qof.

Korneel Cali Aadan waxa uu sheegay in shan ka tirsan ciidamada AMISOM ay ku dhinteen weerarkan iyo qof ajnabi ah oo ka mid ahaa qandaraaslayaasha AMISOM.

XS
SM
MD
LG