Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar ku Dhimatay Gobolka Sinai


Laba askari oo ka mida ciidmada amaanka dalka Masar ayaa lagu diley ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay weerar ku qaadeen ciidmaada oo ku sugnaa fariisin ay ku lahaayeen gobolka Sinai ee dalka Masar.

Ma aha markii ugu horeeysey ee gobolkaas lagu bartilmaameedsado ciidamada amaanka. Dhowr jeer oo hore ayaa weeraro kuwan la mida lala eegtey ciidamadan.

Dalka Masar ayaa tan iyo markii xukunka laga tuurey Madaxweynihii hore ee Masar mudada soo maamulaayey Mohamed Xusni Mubarak, waxa uu wali ka soo kaban la,yahay falalka amaan xumo.

XS
SM
MD
LG