Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda Oo Dib Uga Fiirsaneysa Amisom


Afhayeenka ciidamada Uganda Korneel Paddy Akunda ayaa sheegay in Uganda ay samaynayso dib u eegid ku saabsan ka mid ahaanshaha AMISOM.

Wararka ka imanaya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in dawladda waddankaasi ay dib u eegis ku samaynayso xaaladda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada dalka Uganda Korneel Paddy Akunda ayaa ku sheegay bartiisa twitter-ka in dawladdu aysan weli qaadanin go’aan ay kula baxayso ciidankeeda balse ay samaynayso dib u eegid ku saabsan ka mid ahaanshaha AMISOM.

Hadalka Afhayeenka ayaa ka dambeeyey markii mid ka mid ah shabakada warbaahinta waddankaasi oo soo xiganaysa saraakiil magacooda qariyey ay sheegeen in Taliska ciidamada Uganda ay doonayaan inay la baxaan ciidankooda jooga Soomaaliya.

Sannadkii 2012 ayaa dawladda Uganda waxay ku hanjabtay inay la baxayso ciidankeeda haddii guddi ka socday Qaramada Mdioobay ay ku eedeeyaan inay taageerto jabhadda M23 ee dalka Congo.

XS
SM
MD
LG