Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Israel Oo Duqeeyey Gaza


Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeeyey afar goob oo ay lee yihiin kooxda Xamas oo ku yaalla magaalada Gaza, sida lagu sheegay war kasoo baxay milatariga.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeeyey afar goob oo ay lee yihiin kooxda Xamas oo ku yaalla magaalada Gaza, sida lagu sheegay war kasoo baxay milatariga.

“Xalay, ayada oo laga jawaabayo weerarada joogtada ah ee lagu hayo ciidamada Israel, ayaa diyaaradaheena waxay duqeeyeen goobo ku yaalla woqooyiga Marinka Gaza” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga.

Ciidamada Israel waxa ay sheegeen in Xamas ay hoobiyayaal kusoo duqeeyeen Israel, Arbacadii.

Ma jirto illaa iyo hadda koox sheegatay weerarkii hoobiyaha oo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, hase yeeshee kooxaha Xamas iyo Islamic Jihad ayaa Israel uga digay inay sii xumeyso xaaladda.

Israel waxa ay sheegtay in Xamas ay dhiseyso marinno dhulka hoostiisa mara oo dhinaca Gaza looga soo gudbayo Israel, taasi oo afhayeen u hadlay milatariga Israel oo lagu magacaabo Peter Lerner uu sheegay in duqeymahooda ay sabab u ahaayeen.

XS
SM
MD
LG