Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Oo Xilka Ka Qaaday Ilka-Xanaf


Caydiid Ilka-Xanaf
Caydiid Ilka-Xanaf

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somalia Ceydiid Ilka-Xanaf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somalia Avv Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka u magacaabay Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, oo isla maanta xilkiisa cusub loo dhaariyay.

Avv Ceydiid Ilka Xanaf oo ay VOA-du la xiriirtay ayaa sheegay in isaga aan si rasmi ah loo soo gaarsiin wareegtada xil ka qaadista, wuxuuna ka gaabsaday inuu intaasi ka badan arrintan ka hadlo.

Xil ka qaadistan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddo gaaban ay ka harsantahay waqtiga xukumadda Soomaaliya, lana filayo in baarlaman cusub iyo madaxweyne cusub lasoo doorto.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud oo ka hadlay xil kaqaadista Ceydiid Ilka Xanaf iyo Magacaabista Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, hoos ka dhageyso.

Madaxweynaha oo xilka ka qaaday Ilka-Xanaf
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:33 0:00

XS
SM
MD
LG