Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Soomaali Ah Oo Isku Gubtay Nauru


Nauru
Nauru

Wararka ka imanaya Jaziiradda Nauru ee ku taalla badhtamaha Badweynta Pacific-gga ayaa sheegaya in Gabadh Soomaaliyeed ay is gubtay.

Gabadhan oo hadda isbitaalka ku jirta ayaa ka mid ahayd dad magan-galiyo doon ah oo dawladda Australia ay ku hayso jasiiraddaas, kadib markii ay doonyo sharci darro ah ku galeen Australia.

Dhawaan ayaa nin u dhashay dalka Iran uu sidoo kale isna isku gubay jaziiraddaas, isaga oo markii dambe geeriyooday.

Hadaba si aan faahfahin uga helno arrintan ayaa Xuseen Barre waxaa uu khadka tilifoonka ee Jaziiradda Nauru ku waraystay Sahra Maxamuud Xuseen oo ka mid ah Soomaalida lagu hayo jasiiraddaasi.

Gabar isku gubtay jasiiradda Nauru
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG