Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Daahfuray Siyaasadiisa Dibedda


Donald Trump, musharraxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dhawaaqay isbeddello lagu sameeyo siyaasadda arri dibedda si danaha Maraykanka ahmiyadda 1aad loo siiyo.

Donald Trump ayaa siyaasadda arrimaha dibedda mamulka Obama ku tilmaamay mid "masiibo" ah.

Trump, oo ah maalqabeen daadihin jiray barnaamij TV ka bixijiray, ayaan waligi xafiis qaban xafiis loo doortay.

Trump ayaa canbaareeyay siyaasadda arr. dibedda ee madaxweyne Obama iyo xoghayihii hore ee arr. dibedda Hillary Clinton, oo iyadu imika ah musharraxa madaxtinimada ee xisbiga Dimoqraadiga, waxayna u muuqataa inay wajihi doonto Trump haddii loo doorto musharraxnimada Jamhuuriga.

Trump ayaa ku eedeeyay Obama iyo Clinton inay kor ka maamuleen siyaasad uu ku tilmaamay " mid aan taxadar lahayn oo aan macno ku fadhin". Trump wuxuu sheegay inay jirto siyaasad uu ku tilmaamay "aragti la'aan, ujeeddo la'aan, jiho la'aan iyo istaraatiijiyad la'aan"

Aqalka Cad ayaa isla markiiba diiday hadalka Trump, iyagoo sheegay in Maraykanku uu ka amni badan yahay kana xoog badan yahay markii uu Obama xafiska qabsaday 2009.

XS
SM
MD
LG