Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Soomaali Qirtay Taageerida ISIS


Xamza ayaa waxa uu ka mid ahaa 10 wiil oo lagu eedeeyay inay taageero sinayeen kooxda ISIS oo sagaal ka mid ahi ay ku xidhan yihiin gobolka Minnesota.

Xamza Axmed oo ah Soomaali degan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad ku taala gobolka ka hor qirtay qaar ka mid ah dambiyadii lagu soo eedeeyay oo ahaa in uu taageerayay ururka ISIS.

Xamza ayaa waxa uu ka mid ahaa 10 wiil oo lagu eedeeyay inay taageero sinayeen kooxda ISIS oo sagaal ka mid ahi ay ku xidhan yihiin gobolka Minnesota.

Xamza Axmed ayaa lagu warramay in lacagihii deeqda waxbarasho ee ay dawladdu siisay uu ku bixiyay taagerada kooxda ISIS ee ka dagaalama Syria iyo Ciraaq.

Xamse ayaa ah wiilkii 6-aad ee qirta dambigaasi iyadoo saddex kale ay wali xabsiga ku jiraan oo dhegaysiga Maxakamadooda loo balansan yahay bisha May ee fooda inagu soo haysa.

Hadaba wariyaha VOA-da ee Minnesota Maxamuud Mascade ayaa ka waraystay Sidiiq Warfaa oo ka mid ah mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota oogoob joog ka ahaa Maxkamadda.

Soomaali qirtay xiriirka ISIS
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

XS
SM
MD
LG