Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senatoro: Kaalmada Israel Ha La Kordhiyo


83 Senator oo Mareykan ah ayaa madaxweyne Barack Obama ugu baaqay soo geba gebeynta heshiis amni oo lala galayo Israel, kaasi oo ay qeyb ka noqon doonto kordhinta 3.1 Bilyan oo dollar oo ah kaalmo milatari oo Mareykanka uu sanad kasta siiyo Israel.

Lacagtaasi oo Israel loo qondeeyey 10 sano, ayaa heshiiskeeda waxa uu dhacayaa sanadda 2018.

Wada-hadallo ku saabsan heshiis cusub ayaa iminka socda, waxaana la rumeysan yahay in Israel ay dooneyso in kaalmadeeda la siiyo la kordhiyo oo la gaarsiiyo illaa 4 bilyan oo dollar sanadkiiba.

Senator-ada ma aysan sheegin inta ay doonayaan in Israel la siiyo, hase yeeshee waxa ay sheegeen inay “Diyaar u yihiin inay taageeraan heshiis muddo fog oo horumarsan”.

Warqadda ay qoreen xubnahan oo ku taariikheysan Isniintii shalay, ayaa lagu sheegay in Israel ay wajaheyso haliso dhowr ah oo kaga imanaya kooxo mintidiin ah, sida Xizbullah oo ka dhisan Lebanon, Xamas oo ku sugan Gasa iyo kooxaha Al-Qacida iyo Daacish ee Syria.

Mareykanka ayaa sanadkan 17 bilyan oo dollar u bixiyey kaalmo milatari, waxaana 3.1 bilyan helay Israel. Afghanistan oo heshay 3.8 Bilyan oo dollar ayaa ah dalka kaliya ee helay kaalmo ka badan Israel, ayada oo Masar ay kaalinta saddexaad ku jirto oo ay heshay 1.3 Bilyan oo dollar.

XS
SM
MD
LG