Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'ado Ku Baaqay In La Gargaaro Soomaaliya


23 ka mid ah ururada NGO ah ka howlgala Soomaaliya ayaa ku baaqay in gar-gaar deg-deg ah lala gaaro Somalia.

Ururrada ayaa war-saxaafadeed soo saaray ka hor shirka maanta ka dhici doona magaalada Geneva oo uu soo qaban-qaabiyay xafiiska QM ee isku-dubaridka arrimaha bini’aadanimada, shirkan oo qeyb ka ah, baaqooda caalamiga ah ee taageerro iyo waxqabad loogu doonayo cimilada El Nino.

War-saxaafadeedkan ay NGO-yadan soo saareen ayaa lagu sheegay in cimilada sii xumaansay ee El Nino ee socotay sannadkii hore iyo sannadkan 2016-ba jirta ay noqonaysa tii ugu darneyd ee taariikh ahaan la xasuuso ee abaaroo iyo roobab xoogan ay la socdaan, taasoo saameynaysa in kabadan 60 malyuun oo Qof.

Saameynta dhinaca Geeska Africa ayaa aad u daran, taasoo ka xoog badinaysa bulsho awalba noloshoodu aadka u liidatay.

Abaaraha imika taagan ayaa saameeyay boqollaal kun oo qof oo ku nool Somaliland iyo Puntland, waxayna abaartani ka sii dartay caqabadaha dhinaca bini’aadanimo ee horey Soomaaliya uga jiray.

Cunto yaraan, biyo yaraan, sidoo kale qiimaha cunta oo si kordhaya iyo dhimashada xoolaha nool, ayaa qoysas badan ku riixay inay hayaamaan.

NGO-yadan waxay sheegeen in loo baahan yahay gar-gaar deg-deg ah si looga baaqsado masiibo weyn oo la mid ah macluushii dhacdy sannaddadii 2010-2012, taasoo sababtay dhimashad in kabadan rubuc malyuun Soomaali ah, oo ay ku jireen 133 kun oo caruur ahaa oo dad’doou ka hooseyso 5 sano.

Kala bad dadka ay dhibaatadaasi gaartay ayaa nolaa intaan lagu dhawaaqin macluusha, waxayna hay’addahani ka digayaan inaan imika la sugi karin in lagu dhawaaqo macluul si talaabo loo qaado.

23 NGO waxay sheegayaan in haddii aan la helin taageerro dhaqaalle oo looga jawabo dhibaatada bini’aadanimo ee Soomaalyia ay xaaladdu ka sii dari doonto. Waxayna ku booriyeen deeq bixiyayaasha inay wax badan sameeyaan si ay u hubiyaan jawaab deg-deg ah in la bixiyo, taasoo ilaalin doonta nolosha dadka, iyadoo isha lagu haynayo casharradii laga bartay abaartii ama macluushii Geesk AFrika ka dhacday 2011.

NGO-yadan ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada howshan ku lug leh ay tahay inay midoobaan oo Somalia caawiyaan wakhtigan ba’an iyo baahida deg-dega ah ee jirta, si looga gaashaanto, masiibo weyn oo dhacda bilaha soo socda. Saameynta abaarta ayaa la yareyn karaa haddii la rabo oo ay dhinacyadu awoodan inay dadaalkooda isugu geeyaan hubinta in wax walba oo bini’aadam awooda la sameeyo si looga baaqsado mushkiladdan.

NGO-yadan ayaa war-saxaafadeedkooda ku soo kooban in imika la joogo wakhtigii talaabo la qaadi lahaa, si loo bad-baadiyo nolol, qoysaskana looga caawiyo si ay u ilaashadaan hab nololeedkooda.

XS
SM
MD
LG