Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Isbahaysiga oo Qabsaday Mukalla


Ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerayaan ciidamo gaar ah oo Imaaraati ayaa qabsasaday magaalada dekadda ah ee Mukalla iyo xarunta ugu weyn ee dalkaasi ee laga dhoofiyo saliida, iyagoo ka qabsaday kooxda al-Qaacidada Jaziiradda Carabta.

Ciidamo ka wada tirsan isbahaysiga Sacuudigu horkacayo ayaa gudaha u galay magaalada Mukalla, oo ahayd xarun weyn oo kooxda al-Qaaida jaziiradda carabtu ay muddo sannad ah haysatay. Duqeyn cirka ah ayaa sahlay inay ciidamadan ay Mukalla galaan.

Qabsashada Mukalla ayaa dhabarjab ku noqonaya AQAP, sababtoo ah waxay u ahayd meel ay deked ay canshuuro badan ka heli jireen.

Ku dhawaad 80 boqolkiiba, saliida kayda Yemen ayaa waxaa xilligii nabadda laga dhoofin jiray goobta lagu magacabo Ash Shihr, oo 68 km u jirta magaalada xeebta ah Mukalla, laakiin xarunta saliida laga dhoofiyo ayaa xirnayd tan iyo markii dagalladu bilowdeen, al-Qaacidada ay goobtaasi qabsatay.

Qabsashadan ayaa u muuqanaysa istiraatijyada cusub oo isbahaysiga Sacuudigu horkacayo uu la yimid, kuwaasoo muddo sannad ka badan awooddooda diirada ku saarayay kooxda Xuuthiyiinta ee Iran taageerta, oo iyagu qabsaday caasimadda, dowladdana inteedii badnayd dibedda dalka uga masaafurisay.

Dagaallada sokeeye ee dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 6 kun iyo 200, waxaana ku barakacay 2.5 malyuun o qof, iyadoo dagaalladan ay sababaeen masiibo bini’aadanimo.

Xabbadjoojin aan cago badan ku taagnaydn ayaa tan iyo bishan April tobankeedii jirta, waxaana ay qeyb ay ka tahay qorshe ay QM wadahadal nabadeed doonaysop inay ku dhexdhigto Xuuthiyiinta iyo madaxweyne Abdi Rabbu Mansour oo isagu imiaka Kuwait ku maqan.

Golaha amniga ee QM ayaa weydiiyay XGQM, Ban ki Moon shalay, inuu muddo 30 cisho ah soo gudbiyo qorshe faaffaahinaya sida ergaygsiiyo uu gacan uga geysan karo dhinaca nabadda.

XS
SM
MD
LG