Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS Oo "Weerar Ka Fulisay Soomaaliya"


Calanka ISIS
Calanka ISIS

Ururka ISIS ayaa sheegay in qarax ay la beegsadeen mid ka mid ah baaburta ciidamada Amisom oo marayey agagaarka KM-13.

Ururka ISIS ayaa sheegay in qarax ay la beegsadeen mid ka mid ah baaburta ciidanka milatariga ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo marayey agagaarka KM-13.

Sheegashadan ayaa haddaba noqonaysa middii ugu horraysay ee ay sheegtaan ururka ISIS inay weerar ka gsyteen gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet ayaa idaacdada VOA u sheegay inuu jiray isku day weerar oo ka dhacay maanta agagaarka KM-13 balse uu qaraxu dhacay kadib markii ay gudubtay kolonyada ciidamada AMISOM, islamarkaana aan wax khasaare ah soo gaadhin gaadiidka iyo askarta AMISOM.

“Waxaa jiray isku day weerar saacaddu markii ahayd 11:15, mid ka mid ah kolonyada baabuurteenna ayaa ka gudbaysay goob isgoys ah oo 13 km u jirta Muqdisho, markii ay isgoyska dhaafeen ayaa qarax dhacay, waxay isku dayeen inay baabuur la eegtaan miino laakiin waxa ay qaraxday markii kolonyadi dhaaftay.”ayuu yiri afhayeenka AMISOM Joseph Kibet.

ISIS sheegashadeeda faahfaahin dheeraad ah kama bixin, mana aysan sheegin xitaa goorta uu dhacay weerarka. Waxayse noqonaysaa in ka sokow weerarka ay noqoto markii ugu horraysay ee ISIS lagu maqlo agagaarka Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM wax uu sheegay inay arkeen sheegashada ISIS balse ay aaminsan yihiin in sheegashadu been tahay.

“Argagixisada wax kasta ayey iska sheegtaan, qof kasta ayaa iska sheegan kara inuu yahay ISIS. Ilaa hadda annagu ma arkin wax caddaynaya, iskama aynaan hor iman ISIS, ma aaminsani inay ISIS tahay, waxay ila tahay inay yihiin mid ka mid ah unugyada Al-Shabaab oo sheeganaya ISIS, kamase warqabono in ISIS joogto Muqdish” ayuu yiri Jospeh Kibet.

Ururka Al-Shabaab illaa iyo hadda ma sheeganin weerar inuu maanta ka dhacay agagaarka, waxaana lagu yaqaan in ururku ay si degdeg ah u sheegtaan weerrada caynkaas ah.

Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii koox ka tirsan ururka Al-Shabaab oo uu hoggaaminayo wadaadka lagu magaacabo Cabdulqaadir Muumin ay degaanada buuraha Calmadow kaga dhowaaqeen inay ku biireen ururka ISIS.

Dhinaca Koonfurta Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa dagaal milatari ku qaadaay xubno sheegay inay ku biireen ISIS, iyaga oo khaarajiyey dhowr xubnood oo lagu tuhmay inay u leexdeen dhinaca Daacish.

XS
SM
MD
LG