Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cruz Iyo Kasich Oo U Heshiiyey Trump


Labadan musharax ayaa isla gartay in John Kasich uusan olole doorasho ka sameyn gobolka Indiana, halka Cruz uusan ka ololeyn doonin gobollada Oregon iyo New Mexico.

Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee Ted Cruz iyo John Kasich ayaa ku heshiiyey qorshe ujeedadiisu tahay in Donald Trump laga horistaago inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada madaxweynaha ee bisha November.

Labadan musharax ayaa isla gartay in John Kasich uusan olole doorasho ka sameyn gobolka Indiana, si Cruz uu halkaas ugaga adkaado Donald Trump, halka Cruz uusan ka ololeyn doonin gobollada Oregon iyo New Mexico, si halkaasu uu ugu guuleysto John Kasich.

Donald Trump ayaa tallaabadan ku qeexay “Ficil xun oo naf lacaarinimo ah” oo ay lasoo baxeen Laba musharax “Oo laga adkaaday”.

Trump ayaa isaga oo ka hadlaya dadaallada Cruz iyo Kasich waxa uu yiri “Waa murugo in laba siyaasi ay si shirqool ah ugu heshiiyaan qof siyaasi ahaa kaliya toban bilood, si ay uga horistaagaan inuu ku guuleysto magacaabista xisbiga Jamhuuriga”.

Donald Trump ayaa ah musharaxa kaliya ee ku guuleysan kara magacaabista xisbiga Jamhuuriga ka hor kulanka xisbiga ee bisha July, halka Cruz iyo Kasich ay isku haleynayaan in lagu dhex doorto kulanka xisbiga.



XS
SM
MD
LG