Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNICEF oo Ballan Qaad U Sameysay Somalia


UNICEF ayaa ballan qaaday inay taageereyso dadaallada la doonayo in cudurka duumada looga cirib tiro dalka Soomaaliya,

Hay’adda caruurta u qaabilsan QM ee UNICEF, ayaa ballan qaaday inay taageereyso dadaallada la doonayo in cudurka duumada looga cirib tiro dalka Soomaaliya, ayada oo maanta loo dabaal degayo maalinta cudurkaas.

Heerka cudurka kaneecada ee Soomaaliya ayaa hoos u dhacayey tan iyo sanaddii 2009, markaasi oo afar meelood meel dadka Soomaalida ah ama 27.3 boqolkiiba uu cudurka saameeyey. Tiradaas ayaa sanaddii 2014 ahayd kaliya wax ka yar laba boqoliiba.

“Maalinkan ah maalinta duumada, waxaan jecelnahay inaan qof kasta xusuusino in lasii wado dagaalka ka dhanka ah cudurkan, inkasta oo uu hoos u dhacay” Waxaa sidaas yiri Dr. Anirban Chatterjee oo ah madaxa caafimaadka ee UNICEF.

“Waxaan kula talineynaa dadka Soomaalida, gaar ahaan haweenka uuurka leh iyo caruurta da’doodu ka yar tahay shan sano jirka inay hoos seexdaan shabaqa kaneecada, ayna dawo raadsadaan mar kasta oo ay cudurkan calaamadihiisa isku arkaan”.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in qorshaheedu yahay inay sare usii qaado dadaallada looga hortagayo cudurkan iyo daweyntiisa, si heerka cudurka ee gobllada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya loo gaarsiiyo wax ka yar hal boqolkiiba, maadaama ay yihiin meelaha ugu badan ee cudurku ka saameeyo Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG