Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir Booqday Dhalintii ka Badbaaday Doonta


Kaysar Cabdullaahi Maxamed
Kaysar Cabdullaahi Maxamed

Toddobaadkan inna dhaafay waxaa badda-Cad (mediterranean) ku dhintay dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo doonayey inay gaadhaan qaaradda Yurub. Dhalinyaradaas waxaa ka badbaaday illaa 23 qof oo Soomaali ah iyo dhalinyaro kale oo ka soo jeeday bariga Afrika.

Dhalinyarada badda ku dhimatay ayaa la sheegayaa in badankoodu ay ka soo jeedeen Somaliland waxaana tirada badbaadday la geeyey dalka Giriiga.

Haddaba Somaliland ayaa u dirtay dalka Giriiga Wasiir ka tirsan xukuumaddeeda si uu ula kulmo dhalinyarada badbaaday isla markaana xog uga soo helo.

Maxamed Cabdi Sandheere ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Keysal Cabdullaahi Maxamed, Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta ee Somaliland oo haatan ku sugan caasimadda dalka Giriiga ee Athens.

Waraysiga Wasiir Xigeenka Qorshaynta
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00

XS
SM
MD
LG