Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel Oo Soo Rogtay Xannibaado Cusub


Israel waxa ay maanta ku dhawaaqday inay xireyso dhammaan goobaha laga soo galo ee u dhaxeeya Israel iyo deegaanada la qabsaday ee Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza

Walaacyo ku saabsan dhinaca amniga dartood, ayaa Israel waxa ay maanta ku dhawaaqday inay xireyso dhammaan goobaha laga soo galo ee u dhaxeeya Israel iyo deegaanada la qabsaday ee Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, inta lagu guda jiro ciidda yahuudda ee loo yaqana Passover.

Afhayeen u hadlay dowladda Israel ayaa sheegay in xanibaadda la go’aansaday kadib markii “qiimeyn lagu sameeyey xaaladda amni”, hase yeeshee ma bixin wax faahfaahinno ah oo ku saabsan suurta-galnimada halis iman karta.

Inta lagu guda jiro ciidda Passover, kumanaan Yahuud ah ayaa ku qul-qula Jerusalem iyo goobha kale ee barakeysan, waxaana Israel ay ka cabsaneysa in dadkaas tagaya goobaha barakeysan la bartilmaameedsan karo.

Kooxda Xamas ayaa sheegtay qarax ismiidamain ahaa oo isniintii 20 qof ku dhaawacay magaalada Jerusalem.

Tan iyo bishii October ee sanaddii 2015, 201 qof oo Falastiiniyiin ah iyo 28 israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay isku dhacyo dhex maray labada dhinac.



XS
SM
MD
LG