Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Booqanaya Dalka Saudi Arabia


Madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa inuu boqor Salmaan kala hadlo arrimo dhowr oo muhiim ah.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo arbaco ah gaaray dalka Saudi Arabia, halkaasi oo la filayo inuu boqor Salmaan kala hadlo arrimo dhowr oo muhiim ah.

Waxyaabaha ugu weyn ee diiraadda lagu saarayo wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah loolanka ka dhex oogan Sacuudiga iyo Iran, dagaalka Yemen, iyo dadaallada la doonayo in looga adkaado kooxda Daacish.

Mareykanka iyo Saudi Arabia ayaa ah xulufo muddo fog, hase yeeshee waxaa dhowaanahan jiray xiisad ka dhex oogan labada dhinac.

Obama ayaa waxa uu Sacuudiga ku dhalleeceeyey inaysan wax badan ka qaban sidii looga adkaan lahaa Daacish.

Wada-hadallada maanta dhacaya ayaa waxaa xigi doona shir madaxeedka lixda dal ee Iskaashiga Gacanka oo dhici doona maalinta khamiista ah.

XS
SM
MD
LG