Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Najax Oo ka Hadlay Dilkii Caruurta iyo Ayeydood


Marka, Somalia
Marka, Somalia

Gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose Ibraahim Adan Cali “Najax”ayaa canbaareeyey dilka 6-da caruurta ah iyo ayeeydood loogu geystey deegaanka Dudumo ee gobolkaas.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali “Najax”ayaa canbaareeyey dilka 6-da caruurta ah iyo ayeeydood loogu geystey deegaanka Dudumo ee gobolkaas.

Dilkan ka dhacay tuulada Dudumo oo 5km u jirta Shalambood ayaa waxaa gaystay koox dablay ah oo xalay kusoo weerartay gurigooda, kuwaasi oo dadkaasi la dhacay rasaas, sida ay sheegeen dadka tuulada.

Gudoomiyaha ayaa VOA u sheegay in dilkan yahay mid ku salaysan cadaawad qabaa’il, waxana uu intaasi ku daray in marar badan ay isku dayeen sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisadda labada beelood u dhaxeysa oo ka taagneyd gobolka Sh/Hoose in muddo ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in dhowr jeer oo hore lagu guul darreystey gogol nabadeed oo loo fidiyey labadan beelood.

Wariyaheena Falastiin Axmed Iiman ayaa hadaba weydiisey gudoomiyaha waxa uu kala socdo dilkaasi foosha xun.

Wareysi: Ibraahim Najax
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

XS
SM
MD
LG