Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Muhaajiriinta Badda ku Dhintay


Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dooni ku dagtay badda Mideterranean, oo la sheegayo inay ku dhinteen boqolaal qof oo muhaajiriin ah, oo Soomaali u badan.

Ehellada iyo dad ka bad-baaday shilkaasi oo VOA ugu warramay Masar ayaa ku adkaynsanaya in in kabadan 200 oo dhalinyaro Somaali ah ay shilkaasi ku dhinteen, ilaa ku dhawaad 40 qof oo muhaajiriin ah ayaa la soo bad-baadiyay, kuwaasi oo la geeyay dalka Giriiga.

Hasse yeeshee dalalka Badda Mideterranean ku hareeraysan, gaar ahaa Giriiga, Talyaaniga, iyo waliba Masar ayaan si rasmi ah u soo saarin warar la xiriira shilkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada amniga Masar ayaa shalay soo qabqabtay ilaa 200 oo muhaajiriin ah oo Soomaalina ay ku jirto, kuwaasoo isku dayay inay ka baxaan xeebaha dalka Masar.

Dhageyso warbixin Tahriibayaasha ku dhintay Badda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:18 0:00

XS
SM
MD
LG