Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Ciidamada Oo Qarax Ka Hortagay


Muqdisho
Muqdisho

Ciidamada Nabadsugida ayaa howl gal xalay ay ka sameeyeen degmada Dayniile waxey ku soo qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada Nabadsugida dowladda Soomaalyia ayaa howl gal xalay ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir waxey ku soo qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dad la tuhmayo inay ku lug lahaayeen.

Baabuurka, oo ahaa min aan taargo lahayn, ayaa la sheegay in meel la dhigay oo laga tagay, kadibna ay arkeen ciidamada amniga oo sameynayey wareeg amniga lagu sugayey.

Shan qof oo la tuhunsan yahay ayaa ciidamada amniga ay arrintan u qabteen.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa gaariran iyo dadka ay u soo qabteen ka wareystay, Gudoomiyaha Degamada Deyniile ee gobolka Banaadir, Axmed Nuur Cabdi Siyaad.

Qarax lagu fashiliyey Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00



XS
SM
MD
LG