Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo ku Hanjabay Aargudasho


Dagaalyahan ka tiran mucaaradka
Dagaalyahan ka tiran mucaaradka

Mucaaradka ayaa sheegay in ciidamo taageera dowladda ay xadgudub ku sameeyeen heshiiskii xabad joojinta ee dalkaas ka jiray tan iyo bishii Febraayo.

Isbaheysiga kooxaha mucaaradka Syria ayaa ku hanjabay inay qaadayaan dagaal ay kaga jawaabayaan xadgudubyo ay ciidamo taageera dowladda ku sameeyeen heshiiskii xabad joojinta ee dalkaas ka jiray tan iyo bishii Febraayo.

Xabad joojinta ayaa si aad ah u yareysay rabshadihii ka jiray dalkaas, oo boqolaal kun oo qof ay ku geeriyoodeen, malaayiinna ay ku barakaceen, kuwaas oo socday in ka abdan shan sano.

Hase yeeshee labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya xadgudubyo soo noqnoqday oo lagu sameeyey xabad joojinta labadii bil ee tagay, islamarkaana mucaaradka oo ay ku jirto kooxda Ciidamada Xoreynta Syria ayaa ballan-qaaday aargudasho.

Rabshadaha ayaa sare uga kacay woqooyiga Syria, gaar ahaan magaalada Aleppo, labadii toddobaad ee tagay.

QM oo isku dayeysa inay sii adkeyso xabad joojinta ayaa toddobaadkii tagay wada-hadallo aan toos ahayn la billowday dhinacyada dalkaas isku haya.

XS
SM
MD
LG