Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka dhacay Duleedka Beledweyne


Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, kadib markii maanta dagaal uu laba beelood ku dhex maray deegaanka Yarmoog, oo 23 KM dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, laba qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii maanta dagaal uu laba beelood ku dhex maray deegaanka Yarmoog, oo 23 KM dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ah maleeshiyadii dagaalka uu dhex maray.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran dhul daaqsimeed iyo xoolo ay kala dhaceen labada maleeshiyo beeeleed ee dagaalamaya.

Dagaalka ayaa waxaa sii xoojiyey kadib markii maleeshiyo gurmad ah oo kala taageeraya labada maleeshiyo ee dagaalamay ay ka baxeen magaalada Beledweyne.

Maleeshiyada dagaalka uu dhex maray ayaa weli is-horfadhiya, waxaana odayaasha dhaqanka ay ku baaqeen in dagaalka la joojiyo.

Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Beledweyne.

XS
SM
MD
LG