Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Shirka Madasha Nama Khuseeyo


Cusmaan Cabdullahi Saxardiid
Cusmaan Cabdullahi Saxardiid

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Saxardiid (Caddaani) ayaa sheegay in qodobada shirka madasha ay jebinayaan heshiiska labada dhinac.

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay go'aanno shalay laga soo saaray magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay shirkii Madasha wada-tashiga qaran ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Saxardiid (Caddaani) oo shir-jaraa'id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in go'aannadaasi aanay khusaynin iyaga, cid magacooda kaga qaybgali kartaana aanay jirin.

Wasiirku waxa uu sheegay in qodobada Somaliland quseeya ee shirka laga soo saaray ay jebinayaan heshiiskii horey u dhex maray Somaliland iyo Somalia.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa warbixintan nooga soo diray magaalada Hargeysa.

Warbixinta Barkhad
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:28 0:00

XS
SM
MD
LG