Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Maanta Tagay Degmada Waajid


Xaaladda degmada ayaa la sheegaya inay cakiran tahay, ayada oo waddooyinka soo gala ay weli yihiin kuwo xiran.

Wafdi ka socda dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta booqday magaalada Waajid oo la sheegay inay ka jirto xaalad bani’aadannimo oo adag.

Xaaladda ayaa la sheegaaya inay sii cakirtay waddooyinka soo gala Waajid oo qaarkood ay weli xiran yihiin, xaalado amni darted.

Wasiir ku xigeenka awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Macalin Cali Aadan Caddow, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ka mid ah waftiga ayaa sheegay in qiimaha cuntada ee magaalada uu aad sare ugu kacay.

Wasiirki waxa uu sheegay in dadka ku nool degmada Waajid ay ku jiraan xabsi dusha sare ka furan.

Warbixintan waxaa noo soo diray Mukhtara Maxamed Catoosh.

Wafti booqanaya Waajid
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00

XS
SM
MD
LG