Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Madasha


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Qodobada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah in la dhiso laba guddi doorasho, oo mid uu yahay heer gobol ah, midna heer qaran.

Shirkii Mdasha wada-tashiga qaran ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa lasoo geba gebeeyey, waxaana laga soo saaray go’aanno la xiriira qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

Shirkan oo u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa waxaayabaha laga soo saaray waxaa ka mid ah in la dhiso laba guddi doorasho, oo mid uu yahay mid heer gobol ah, midna heer qaran.

Guddiga doorashada heer qaran, waxa uu ka koobnaan doonaan 17 xubnood. Shan ka mid ah xubnahaas waxaa soo magacaabaya dowladda federaalka, halka dowlad goboleedyada ay mid kasta soo magcaabi doonto laba xubnood.

Guddiga doorasho ee heer gobol waxa uu midkiiba ka koobnaan doonaa 11 xubnood. Sideed ka mid ah waxaa soo magacaabaya dowlad goboleedyada, halka saddex ay soo magacaabeyso dowladda federaalka.

Labadan guddi ayaa la go’aamiyeyin sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhiso, ayna guda galaan diyaarinta doorashada.

Shirka madasha ayaa sidoo kale laga soo saaray qodobo kale oo dhowr ah.

Waxaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray weriyaheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Shirka Madasha oo soo xirmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:45 0:00


XS
SM
MD
LG