Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Xanafi oo Dil Toosgaho lagu Fuliyey


Xasan Xanafi oo la toogtay
Xasan Xanafi oo la toogtay

Xasan Xanafi, ayaa lagu helay eedo ah inuu ku lug lahaa dilka suxufiyiin lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

Maxkmadda milatariga ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji oo ahaa weriye hore oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca warbaahinta.

Xasan Xanafi oo dhowr bilood ka hor lagu maxkamadeeyey magaalada, ayaa lagu helay eedo ah inuu ku lug lahaa dilka suxufiyiin lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho tan iyo sanaddii 2007.

Wareysi uu ku bixiyey barnaamij laga sameeyey oo laga sii daayey warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayuu sidoo kale Xasan Xanafi ku qirtay inuu ku lug lahaa dilka dhowr weriye.

Sannadkii 2014-ka ayaa Xasan Xanafi laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana loo gacan geliyey dawladda Soomaaliya, oo tan iyo markaas gacanta ku haysay.

XS
SM
MD
LG