Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Wada-Hadal la Leh Madaxda Ciraq


Kerry iyo wasiirka arrimaha dibedda Ciraq Ibrahim al-Jaafari Baghdad, April 8, 2016.
Kerry iyo wasiirka arrimaha dibedda Ciraq Ibrahim al-Jaafari Baghdad, April 8, 2016.

Kerry ayaa waxa uu isku dayayaa inuu hoosta ka xariiqo taageerada Mareykanka uu u hayo dowladda Ciraq.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry ayaa maanta wada-hadallo la billaabay saraakiisha dalka Ciraq, isaga oo ku guda jira boqoasho hal maalin ah oo uu ku joogo magaalada Baghdad.

Kerry ayaa waxa uu isku dayayaa inuu hoosta ka xariiqo taageerada Mareykanka uu u hayo dowladda Ciraq oo isku dayeysa inay wax ka qabato caqabado ay ka mid yihiin amni darro, dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed.

“Waa caddahay in tani ay waqti muhiim ah u tahay Ciraq” ayuu yiri Kerry oo wada-hadal la billaabay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Ibrahim al-Eshaiker al-Jaafari.

Kerry ayaa Ciraq kaga soo safray dalka Baxreyn, isaga oo aan horey usii shaacin boqoashadiisa oo ah tii ugu horreysay ee uu ka tago Baghdad tan iyo sanaddii 2014.

Waxaa sidoo kale uu maanta la kulmi doonaa ra’iisul wasaaraha Ciraq, Haider al-Abadi iyo ra’iisul wasaaraha dowlad goboleedka Kurdiyiinta. Nechrivan Barzani.

XS
SM
MD
LG