Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xarumaha Shabaab ee Jilib oo la Duqeeyey


Helicopter ah-1z
Helicopter ah-1z

Duqeyntan ayaa lala beegsaday garaash baabuurta dagaalka la dhigo iyo xarun ciidan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga lee yahay, ayaa xalay duqeyn u geystay saldhig ay kooxda al-Shabaab ku lahayd degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday garaash baabuurta dagaalka la dhigo iyo xarun ciidan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo iyo madax ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Duqeyntii xalay, ayey dadka deegaanka sheegeen, inay ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid maal, inkasta oo aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay.

Si kastaba, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sideed ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab, iyo saraakiil, islamarkaana lagu dhaawacay afar kale.

Weriyaheena Khadar Maxamuud Xareed, ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Muqdisho.

Duqeyn ka dhacday Jilib
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:02 0:00

XS
SM
MD
LG