Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Baabuurta Taariko La'aanta Ah Oo La Mamnuucay


Yuusuf Xuseen Jimcaale
Yuusuf Xuseen Jimcaale

Guddoomoiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ka mamnuucay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaadiidka aan lahayn taarikada ama sumadda.

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay, ayuu guddoomiye Yuusuf ku sheegay in gaadiidkii saddex cisho aan isku diiwaangalin tallaabo laga qaadi doono.

Yuusuf Xuseen waxa uu sheegay in dhammaan babauurta magaalada laga soo dejiyo ay ku yimaadaan taariiko, balse ay jiraan in markaa kadib dadka qaar ay ka furaan, si ay falal amni darro ugu gaystaan.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay laamaha ammaanka inaysan u ogolaan baabuur aan summad lahayn inuu magaalada dhex maro, xittaa haddii uu wato qof mas’uul ah.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar.

Warbixinta Seynab Abuukar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG