Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Qabsaday Aadan Yabaal


Ciidamada Dowladda
Ciidamada Dowladda

Ciidamadan maanta galay Aadan Yabaal Ayaan la kulmin wax iska caabin ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heyntadegmada Aden Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadan maanta galay Aadan Yabaal Ayaan la kulmin wax iska caabin ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale ciidamo iyana Soomaali iyo Ethiopian ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqo ka wada deegaanada dhinaca Xeebta ee Shabeellaha Dhexe, iyagoo ku soo wajahan magaalada Cadalle.

Qabsashada Degamada Aaden Yabaal ee ciidamada dowladda ayaa waxaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan uu ka wareystay, Maxamed Muumin Climi oo loo yaqaan Saneey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalkan.

Ciidamada dowladda oo qabsaday Aadan Yabaal
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:34 0:00

XS
SM
MD
LG