Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roob ka Da'ay Awdal iyo Siilaanyo oo Tagay


Siilaanyo
Siilaanyo

Roobabka ayaa inta badan ka da’ay magaalada Boorama, deegaanada xeebta iyo deegaano kale.

Deegaano ka mida gobolka Awdal, ayaa waxaa maanta ka da'ay roobkii guga, xilli halkaas ay ka taagnaayeen abaaro aad u darran, oo dad iyo duunyo saameeyey.

Roobabka ayaa inta badan ka da’ay magaalada Boorama, deegaanada xeebta iyo deegaanada Dilaa iyo Illaa Kala Bayrka dhexdooda.

Inkasta oo roobabka da’ay aysan aad u xooganeyn, haddana waxa ay dadka deegaanku aaminsan yihiin in roobka curtay, ayna filayaan inuu sii da’o

Sidoo kale, waxaa maanta deegaannada ay abaaruhu ka jiraan ee gobolka Awdal booqasho ku tegey wafti uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka ku waraystay Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Xiriirka Golayaasha ee Somaliland oo ka mid ahaa weftigaasi.

Roobab ka da'ay Awal
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:27 0:00

XS
SM
MD
LG